11-05-2009 Waxaa aad u soobatay danbiyada laga galayo muwaadiniyiinta Somaliyeed ee uu daashaday dagaalka sokeeye ee Somaliya ka aloosnaa mudada 20 sanno ah.
24 KA SAAC EE SOO SOCOTA OO LA FILAYO IN LOO MAGACAABO CABDIRASHIID CIRO
Cabdirashiid Ciro
Sida laga soo xigtay warar ku dhow dhow xaafiiska madexweynaha dowlada Somalia Sheikh Shariif Sheikh Axmed ayaa tilmaamaya in xildhiban Cabdirashiid Maxamed Cabdi ( C/rashiid Ciro)oo ka mid ah xildhibaanada ka soo jeeda Puntland, isl markaana ahaa gudoomiyihii gudiga doorashadii dhawaan uu ku guuleystay madexweyne Shariif Sheikh Axmed in loo magacaabo xilka ra'iisul wasaraha cusub ee ay dowlada Somalia yeelaneyso.
SOOMAALIYA OO 24 SAAC GUDUHOOD LOO MAGACAABAYO RAISUL WASAARE
Madaxwayne Shariif Sheekh Axmad ayaa lagu wadaa in uu magacaabo ra’iisul-wasaarihiisa ugu horay maalinta bari ah, si mas’uulkaas loo horgeeyo barlamaanka Soomaaliya oo la qorshaynayo in uu fadhi aan caadi ahayn ku yeesho Guriga Ummadda ee Jamhuuriyadda Jabuuti.